Al Shabaab Oo Weerar Saf ballaaran ah ku qaaday Ciidamada dowladda ee ku sugan Magaalada Marka.

Thursday January 10, 2019 - 10:30:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Saf ballaaran ah ku qaaday Ciidamada dowladda ee ku sugan Magaalada Marka.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka uga suganyihiin gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka uga suganyihiin gobolka Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay fiidkii gudaha magaaladaas ku dhaxmareen xoogaga Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka dowaladda.

Goob joogayaal  ayaa sheegay in dagaal socday muddo ku dhow hal saac uu ka dhacay dhowr xaafadood oo katirsan magaalada Marka oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada dowadda gaar ahaan guutada 14-ka October.

Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa xalay laga maqlayay gudaha Marka iyo hareeraheeda, guddoomiyaha degmada Marka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadooda xalay weerar xooggan lagusoo qaaday balse ay iska difaaceen.


Dhinaca kale idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay warka ku saabsan dagaalka magaalada Marka waxayna sheegtay 'in Mujaahidiintu weerar saf ballaaran ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee magaalada Marka" balse ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii Xalay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items