Guddoomiye Yariisoow oo sheegay in Gobolka Banaadir uu noqon doono Maamul goboleed lamid ah Puntland iyo Somaliland.

Thursday January 10, 2019 - 12:02:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Yariisoow oo sheegay in Gobolka Banaadir uu noqon doono Maamul goboleed lamid ah Puntland iyo Somaliland.

    Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horraysay sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in maamul goboleed looga dhigo magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horraysay sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in maamul goboleed looga dhigo magaalada Muqdisho.

Yariisoow oo boqolaal qof kula hadlayay degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii gobolka Banaadir uu unoqon lahaa Federaal lamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya kajira.

"Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”ayuu yiri Yariisow.


Warkan uu ku hadaaqay Yariisoow ayaa ah mid ka dhan ah siyaasadda Farmaajo iyo Kheyre oo aad ugasoo horjeedo in maamul goboleed laga dhigo dhiso magaalada Muqdisho.

Thaabid Cabdi ayaa sanaddii 2017 magaalada Muqdisho ku qabtay shir uu ku sheegayo in maamul goboleed loogu dhisayo gobolka Banaadir arrinkaas oo ka caraysiiyay Farmaajo ugu dambeyntiina shaqada ayaa laga eryay.

Haddii maamul goboleed looga dhawaaqo gobolka Banaadir ayuu noqon doonaa maamulkii sideedaad ee ka hana qaada Soomaaliya wuxuuna qeyb ka yahay qorshaha uu dajiyay gumeystaha ee ah Qeybi oo xukun.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items