Weerar Khasaara Dhaliyay oo lagu qaaday Xarun Maamul oo kutaal Suuq Bacaad iyo Askari lagu dilay duleedka Baydhabo.

Thursday January 10, 2019 - 21:21:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo lagu qaaday Xarun Maamul oo kutaal Suuq Bacaad iyo Askari lagu dilay duleedka Baydhabo.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Federaalka ka fuliyay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Federaalka ka fuliyay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

 Caawa fiidkii ayay xoogaga Al Shabaab weerar Bambaano ku qaadeen xarunta maamulka Laanta suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, xilligii uu weerarku dhacayay waxaa gudaha xarunta ku sugnaa askar iyo saraakiil.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xigxigay oo ka dhashay Bambaanooyinka lagu weeraray Laanta Suuq Bacaad.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in sedax askari ay ku dhaawacmeen qaraxyada lagu weeraray Laanta Suuq Bacaad, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.


Dhinaca kale weerar hubeysan oo maanta ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada hal askari, ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa askariga toogtay waxayna ka furteen qori Ak47 ah oo uu watay iyo booshkiisa.

Weerar kale ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ku lahaayeen degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items