Dab Ka kacay ََQeybo katirsan Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

Thursday January 10, 2019 - 22:22:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Ka kacay ََQeybo katirsan Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

    Dab xooggan ayaa caawa fiidkii ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa caawa fiidkii ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn dalka Soomaaliya.


Dabka oo ka billaawday qeybta lagu iibiyo dharka  Huudheyda ayaa ku fiday qeybta maacuunka waxaana socda dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu damiyo dabka, gaadiidka dab damiska ayaa gaaray goobta dabku ka kacayo.

Degmooyin katirsan gobolka Banaadi ayaa laga arkayaa holaca ka baxaya Suuqa Bakaaraha, guddiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin daminta dabka.

illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo khasaaraha maaliyadeed ee uu geystay dabka caawa ka kacay suuqa Bakaaraha oo la sheegay in uu ka dhashay Koronto qaldantay.






Related Items