Gavin Williamson "Britain iyo Mareykanka ayaa Mukhtaar Rooboow kasoo badbaadiyay khatartii uga imaanaysay Al Shabaab" Warbixin.

Friday January 11, 2019 - 11:14:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gavin Williamson "Britain iyo Mareykanka ayaa Mukhtaar Rooboow kasoo badbaadiyay khatartii uga imaanaysay Al Shabaab" Warbixin.

    Markii ugu horraysay ayay dowladda Ingiriiska shaacisay in dowlado reergalbeed ah ay mas'uul ka ahaayeen tallaabadii uu Mukhtaar Rooboow isugu dhiibay ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Xudur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gavin Williamson waa xoghayaha difaaca UK
Markii ugu horraysay ayay dowladda Ingiriiska shaacisay in dowlado reergalbeed ah ay mas'uul ka ahaayeen tallaabadii uu Mukhtaar Rooboow isugu dhiibay ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Xudur.

Wasiirka difaaca xukuumadda UK ninka lagu magacaabo Gavin Williamson ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa magaalada London in dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ay Rooboow kasoo badbaadiyeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Gavin Williamson oo wareysi siiyay wargeyska Independent ayaa sheegay in isku xir ay sameeyeen iyaga iyo Mareykanka ay rooboow uga badbaadiyeen xoogaga Al Shabaab xilli uu dagaal uga jiray duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiirka difaaca UK ayaa intaas ku daraya in uu baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan uu laqaadan lahaa Max'med Cabdullaahi Farmaajo sababa laxiriira falkii lagu xiray Mukhtaar Rooboow loogana reebay doorashadii madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed.


Gavin Williamson ayaa isbuucii lasoo dhaafay booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa halkaas oo uu kulan kula qaatay mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Somaliland.

Dowladda Ingiriiska ayaa isbuucii lasoo dhaafay golaha Q.Midoobay hor geysay qaraar lagu cambaareynayo tallaabadii ay dowladda Federaalka ku cayrisay safiirkii UN-ka uqaabilsanaa dalka Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items