Ciidamo Mareykan ah oo Burburiyay Guryo kuyaal deegaanka Hantiwadaag Ee Sh/Hoose.

Saturday January 12, 2019 - 08:35:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan ah oo Burburiyay Guryo kuyaal deegaanka Hantiwadaag Ee Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamo huwan ah ay weerar khasaara hantiyadeed dhaliyay ay ka geysteen deegaan hoos yimaad degmada Janaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa xasuuqa ku haya muslimiinta
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamo huwan ah ay weerar khasaara hantiyadeed dhaliyay ay ka geysteen deegaan hoos yimaad degmada Janaale.

Xalay saqdii dhexe ayay maleeshiyaadka Bangarafaata loo yaqaan oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah waxay weerar ku qaadeen Tuulada Hantiwadaag oo qiyaastii 12 KM ujirta degmada Janaale.

Ciidamada Mareykanka ayaa miinooyin ku xiray oo burburiyay 2 kamid ah guryaha dadka deegaanka oo u badan shacab beera qodata ah.

Goob joogayaal ku sugan tuulada Hanti wadaag ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Mareykanka oo diyaarado wata ay kusoo deegeen duleedka deegaanka kadibna ay lug ku galeen halkaas oo ay dhibaatooyin ka geysteen.


Saaka markii uu waagu baryay ayay dad farabadan ku xoomeen goobta dhibaatadu ka dhacday, illaa iyo hadda lamasoo sheegin khasaara nafeed ah oo dadka shacabka ah kasoo gaaray weerarkii xalay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items