Ganacsato Soomaali ah oo markale lagu dilay Wadanka Koonfur Afrika.

Saturday January 12, 2019 - 09:46:54 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato Soomaali ah oo markale lagu dilay Wadanka Koonfur Afrika.

    Waxaa sare usii kacaya beegsiga lagu hayo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqanka wadanka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare usii kacaya beegsiga lagu hayo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqanka wadanka Koonfur Afrika.

Kooxo Burcad ah ayaa la sheegay in laba qof ganacsata ah ku dileen mid kamida magaalooyinka ugu ganacsiga badan wadankasi.

Wararka ka imaanaya magaalada Restunburg ayaa sheegay in kooxo burcad koonfur Afrikaan ah ay weerareen goob ganacsi oo ay sugnaayeen dad soomaali ah waxayna dileen illaa laba ganacsata ah oo lagu kala magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullaahi Maxamuud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qof kale oo Soomaali ah uu dhaawac kasoo gaaray weerarka, kooxaha fal dambiyeedka geystay ayaa boobay dukaamo ganacsi oo ay lahaayeen dhalinyarada ladilay.


Sanad walba Tobanaan qof Soomaali ah ayaa lagu dilaa wadanka Koonfur Afrika oo kamid ah meelaha ay Soomaalidu ka xoogsato halka qaarkood ay ku leeyihiin mehrado ganacsi.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items