Sawirro: Al Shabaab Oo soo Bandhigtay Ciidamo hubkooda wata oo ka goostay Dowladda.

Saturday January 12, 2019 - 10:41:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab Oo soo Bandhigtay Ciidamo hubkooda wata oo ka goostay Dowladda.

    Maxkamadda islaamiga wilaayada Galgduud ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka balse iyagoo baxsad ah isku dhiibay maamullada Islaamiga ee ka jira wilaayada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda islaamiga wilaayada Galgduud ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka balse iyagoo baxsad ah isku dhiibay maamullada Islaamiga ee ka jira wilaayada.



Magaalada Ceelbuur ayaa lagusoo bandhigay illaa iyo 5 askari kuwaas oo kasoo goostay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay xoog ku joogaan ciidamada Gummeysiga Itoobiya.

Askarta isdhiibtay oo hubkoodu udhammaa ayaa sheegay in bahdil ay kala kulmi jireen ciidamada Xabashida Itoobiya,waxay sheegeen in degmada Maxaas ay kajirto xaalad adag.

Mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa iyana sheegay in ay soo dhoweeyeen ciidamada soo goostay islamarkaana hubkooda loo lacageeyay, wilaayada ayaa ballan qaaday in si heer sare ah ay usoo dhoweyn doonto askari walba oo isagasoo baxa safka gummeysiga islamarkaana uu si nabad gelya ah ugu noolaan doono halka uu doono.



Ciidamadan iska dhiibay magaalada Ceelbuur waxaa taliye u ahaa sarkaal lagu magacaabo Taree dishe waxayna ciidamada Xabashida Itoobiya ugelbiyeen dhanka degmada Galcad ee isla gobolka Galguduud balse markii dambe ayay Itoobiyaanku isaga baxeen dhammaan degmooyinkii ay ka joogeen Bariga Galguduud.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo kasoo goostay DF-ka ay isku dhiibaan wilaayaatka islaamiga ah, Bishii lasoo dhaafay tobanaan askari ayaa iska dhiibay wilaayaatka Jubbooyinka,Gedo iyo labada Shabeelle.





Related Items