Awoodda Mareykanka Ee Qaaradda Afrika oo sii liicaysa iyo Shiinaha oo qarka usaaran in uu qaaradda la wareego [Warbixin].

Saturday January 12, 2019 - 10:40:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Awoodda Mareykanka Ee Qaaradda Afrika oo sii liicaysa iyo Shiinaha oo qarka usaaran in uu qaaradda la wareego [Warbixin].

    Shabakada Bloomberg ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay "America oo ku khasaartay Qaarada Afrika iyo Shiinaha oo kusii caga fidsanaya Qaaradan oo loo yaqaan Qaaratu Samraa", taas oo istiraatijiyad ciidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shabakada Bloomberg ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay "America oo ku khasaartay Qaarada Afrika iyo Shiinaha oo kusii caga fidsanaya Qaaradan oo loo yaqaan Qaaratu Samraa", taas oo istiraatijiyad ciidan iyo mid dhaqaaleba ku fadhisa.


Warbixinta uu aheyd mid dheer ayaa dhinacyo kala duwan looga eegay qaabka uu usii yaraanayo galaangalkii uu mareykanku ku lahaa wadamada Qaarada Africa, xilli dowlada Shiinaha ay maalinba maalinta ka dambeyso ay Saaxiibo hor leh ka kasbaneyso madaxda Afrikaanka, ganacsigedana uu ku faafay qaaradda oo idil.

Qoraaga warbixinta ayaa is weydiiyay hadal kasoo baxay John Polton oo ah Lataliyaha dhanka Amniga ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo sheegay in xukumadda Washington ay dajineyso Istiraatijiyad cusub oo ku saabsan Qaradda Africa, hadalkaas ayaana dhaliyay Isweydiimmo dhowr ah oo ay kamid tahay, Maxay aheyd markii horeba Istiratijiyadda Mareykanka ee ku saabsan Qaaradan.



Shabakadda ayaa shaacisay in Mareykanka uu qarka u saran yahay inuu waayo dhul baaxad leh oo aad uweyn, lagasoo bilaabo wadanka Jazzaa'ir illaa Zimbabwe inta ka dhexeyso, halkaas oo ay ku dhaqan yihin dad gaaraya, 1.2 Trillion oo qof, sidoo kalena ah qaarada labaad ee ugu weyn caalamka marka laga hadlayo xaga dadka.

Bloomberg ayaa ka dhawaajisay in Bolton uu si cad u qirtay Khatarta ay ku jirto cilaaqaadka mareykanka ee qaarada Africa iyo aragtida siyaasadeed ee qaabkii loo wajihi lahaa arrinkan, waxqti dowladaha loolanka Juquraafi iyo midka siyaasadeedba kula jira mareykankana ay kasbanayan qaaraddan oo qarka u saaran in mareykanka uu ku khasaaro.

Mu’asasada Heritage ee iyana fadhigedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in goor sii horreysay uu Bolton u sheegay in qaaradda Africa ay tahay mid aad muhiim u ah, hadana la jooga waqtigii ay ictiraafi lahaayeen arrinkaas, maadama aysan horey u fahmin, maadama dowladaha Shiinaha iyo Ruushka iyo kuwa kaleba ay garteen muhiimada mandiqadan iyagana ay la gudboontahay in siyaasad cusub ay lasoo baxaan.

Waxa uu yiri "in Mudda ah Mareykanku wuxuu baadi goobayaa wadamo uu cilaaqaad rasmi ah layeesho iyo heshiisyo laba geesoodya ah taas oo aan ahayn mid la filayo in ay dhacdo sanadada soo socda".

Hadalkaas isaga ah ayaa ka dhigan In mareykanku uu weyn doono Fursadaha maalgashiga ee mandiqadan oo dadkeeda inta badan ay yihiin dabaqada dhexe, sidoo kalena ah Qaarada ugu koboca badan caalamka oo idil, iyadoo taas oo ay usii dheertahay, rajo laga qabo in Qaaradan dadkeeda ay noqdan Caalamka Barkiis, marka lagaaro sanadka 2050.

Arrintan ayaa imaaneysa Xilli dowladda Mareykanka aysan ihtimaam gaar ah siinin maalgashiga Qaarada Africa, balse dowladda Shinaha ayaa sanadadii lasoo dhaafay sameysay maalgashi aad u ballaaran oo dhanka Dhaqaalaha iyo Maadigaba ku saleysan, sidoo kalena waxaa ay isticmaashay Quwatu Nacima, iyadoo jaamacadaha Qaarada Africa ka bixisay deeqo waxbarasho oo lacag la'aan ah, meelaha qaarna geysay ciidan nabad ilaalin oo ka socda dalkeeda, balse ka hoos shaqeynaya waxa loogu yeero Qaramada Midobe.

Africa ayaa lagu tiriyaa in ay tahay qeyb muhiim ah oo kamid ah Mashruuca loogu magac daray AlXazam Wa Dariq, ee uu goor hore uu daah rogay Madaxweynaha Dalka Shiinaha Shein Jeing Beng, Mashruucaas oo isugu jira fursado maalgashi oo Shiinaha uu maamulayo, sida Mashruca Korontada ee laga hirgalinayo wadanka Every coast illaa garoonka Rwanda iyo wadada Tarenada ee la doonayo in laga hirgaliyo gudaha wadanka Kenya, taas oo ay sii dheer tahay wadada tarenada ee horey looga hir galiyay Ethiopia iyo Djibouti.

Nin lagu magacabo Robert Shireri oo bare ka ah Jaamacada Culumta Siyaasada ee magalada Cape town ayaa ka dhawaajiyey, in Hadalka Bolton uu yahay mid maldahan, Americana aysan awood u laheyn in ay xiligan qaarada kula loolanto Shiinaha iyo Ruushka, sidoo kalena waxa uu yiri "America ma awooddo inay adeegyo toos ah u beec geyso qaarada Africa, inkastoo ay suurta gal tahay inay adeegyo Istiratijiyadeed geyso goobaha qaar, halkaas oo mareykanka uu awood ku leeyahay ciidana ay ka joogaan sidoo kalena ay ka jiraan cabsi laga qabo waxa loogu yeero argagixisada".

Warbixinta Bloomberg ayaa tilmaamtay in mareykanka cidda uu ku wajahayo qaarada Africa aysan ahayn kaliya dowlada Shiinaha balse uu jiro Tartan kala dhexeeyo dowladda Ruushka taas oo ah mida kaliya ee badal u noqon karta Mareykanka, marka laga hadlayo dhanka arrimaha Militaryga, xilli uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin-na uu qorsheynayo in sanadkan uu qabto Kulan ay isugu imaanayaan madaxda 50 dowladood oo qaarada Africa ka tirsan, Martiqaadkaas oo ah kii ugu horreyey ee noocan ah oo dowlada Ruushka ay fidiso in muda ah.

Inkastoo Ruushka uusan laheyn awood dhaqaale oo aad uweyn sida dalalka loolanka siyaasadeed kula jiro ee mareykanka, Wadamada Yurub iyo Shiinaha intaba, balse mar kasta ma ahan mid ku khasaarta loolanka ay ku jirto, waxa ayna boos ka heshay dowladaha aan degananshaha heysan ee Mawaadka dabiiciga ah Qaniga ku ah, kuwaas oo intooda badan baahi weyn u qaba, Hubka ay soo saarto dowlada Ruushka ee caalamka loo iib geeyo.

Nin lagu magacabo Alexandra Zedanvech oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha qaarada Africa, barana ka ah Jaamacada Saint Petersburg ayaa ka dhawaajiyey in Xukumada Moscow ay heshay fursad weyn iyadoo ka faa'iideysanaysa dib u dhaca mareykanka ee qaarada Africa.

Wuxuu sheegay in Ruushka uusan cabsi weyn ka qabin waxa ka imaan doono gadaashiisa, sidoo kalena uusan qalqal ka qabin waxa ay ku fikirayaan dadka loolanka kula jira, isagoo intaas raaciyey in dowlada Ruushka ay kaga duwan tahay mareykanka iyo Shiinaha ad adeyg ay kula macalin wadamad ay saxiibada yihiin.

Wuxuu tusaale usoo qaatay Mareykanka oo uu sheegay in ay dhuunta u gashay wadamada ay xulafada yihin, iyadoo ku andacooneysa dhaqan gelinta xukun demoqaraadi ah, qofkii ka hor yimaadana waxa ay saaraan cadaadis aad u xoogan, halka dowlada Shiinahana ay isticmaasho siyaasada ah in deymo fara badan lagu harqiyo dowladaha ay saaxiibada yihiin, si ay hoggaanka ugu qabtaan maamullada ay maslaxadda wadaagaan una helaan meelo ay cadaadis ka saari karaan haddii ay heshiisyadii la gaaray wax iska bedelaan.

La taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Mareykanka Bolton ayaa si kulul ugu hadlay ballan qaadyada xukumada Beijing, ee ah in Xukuumada Shuuciyada ah ay ka go’antahay waliba si dhameystiran in manaadiq badan oo caalamka ah ay dhankooda usoo jiitaan gaar ahaan wadamada Qaniga ku ah wax soorka dabiiciga ah iyo Macdanta.

Gabagabadi warbixinta ayay shabakadda Bloomberg wareysi la yeelatay haweyney lagu magacab Sheri Gudman oo wax ka dhigta Machadka Wilson iyo Machadka Bolar, taas oo sheegtay in Shiinaha uu muhiimad gaar ah siinayo waqtigan la joogo Masaa'il gaar ah oo soo jiidaneysa madaxda iyo dadka africanta ah sida iyadoo marti qaadday aqoon yahanno u dhashay wadanka Shiinaha oo la geeyey qaaradan si ay usoo indha indheeyaan, baahida ay qabaan Manaadiqda ay halakeeyeen Abaaraha ee u baahan biyaha arrinkaas oo ah mid noolaha oo idil ay u baahan yihin oo aysan ka maarmi Karin.

Waxa ay tilmaantay in Xukumada Beijing ay si qoto dheer u fiiriso baahida ay qabaan dowladaha ay xulafada ka dhiganeyso, hadday tahay dhanka Biyaha, Korontada iyo wax soo saarka dabiiciga ah waxa ay qirtay in Mareykanka uusan laheyn istiraatijiyad noocaan ah taas oo keentay in Washington ay ku hor kufto Loolankii Qaarada Africa ee ay kula dowlada Shiinaha.

W/Q Hilaal Colaad

Related Items