Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Deegaan Katirsan Gobolka Gaarisa.

Saturday January 12, 2019 - 21:19:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Deegaan Katirsan Gobolka Gaarisa.

    Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar baaxad leh ku qaaday deegaan katirsan gobolka Gaarisa ee dhulka NFD oo Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar baaxad leh ku qaaday deegaan katirsan gobolka Gaarisa ee dhulka NFD oo Kenya gummeysato.

Wararka ka imaanaya deegaanka Weel Mareer ee hoostaga magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay xalay fiidkii weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska dowladda Kenya.

Iska hor'imaad kooban kadib ayay xoogaga Al Shabaab usuurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Weel Mareer halkaas oo ay isaga firxadeen ciidamada Kenya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka' "Ciidamada mujaahidiinta ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Weel Mareer oo katirsan gobolka Gaarisa, saraakiisha mujaahidiintu waxay noo xaqiijiyeen in laburburiyay xaruntii shirkadda isgaarsiinta Safaaricom" ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacadda Andalus.


Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaanka Weel Mareer ee weerarku ka dhacay ay isgaarsiintu ka go'antahay balse lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkii xalay.

Waa Weerarkii ugu horreeyay ee xoogaga Al Shabaab ka fuliyaan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira tan iyo sanaddan billaawga ah ee 2019.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items