Sawirro+Codad: Sidaan ayay Ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Bangaraafta ula dhaqmeen Qoysas Beeraley Ah oo Ku Dhaqan Tuulo Hoos Tagta Jannaale.

Saturday January 12, 2019 - 21:37:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Sidaan ayay Ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Bangaraafta ula dhaqmeen Qoysas Beeraley Ah oo Ku Dhaqan Tuulo Hoos Tagta Jannaale.

    Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaali ah oo uu ku ugaarto ayaa xalay weerar Argagixiso ah ku qaaday tuulo hoos tagta degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose oo hadda lagu magacaabo Towfiiq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaali ah oo uu ku ugaarto ayaa xalay weerar Argagixiso ah ku qaaday tuulo hoos tagta degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose oo hadda lagu magacaabo Towfiiq.


Tuuladan oo ay ku dhaqan yihiin dad beeraley ah ayaa waxay si gaadmo ah ku galeen abaaro todobadii saac ee habeennimo, waxaana ay guryahooda ku jabiyeen qoysas dhowr ah iyagoo uga nixiyay qaraxyo ay ku xireen albaabadooda iyo rasaas ay ku fureen guryaha.

Guri walba albaabkiisa waxaa ka muuqanaya qaraxa lagu xiray halka qeybaha kale ee guryaha laga dheehanayo saameynta ay firiradu ku yeeshee. Alle mahadi qof kuma dhiman qaraxyadan balse waxaa sasay caruurtii, waayeelkii iyo hooyooyinkii.



Qaar kamid ah ragga ku dhaqan tuulada ayay meel bannaan ah isugu keeneen qaraxyadan kadib iyagoo indhaha iyo gacmaha ka xirxiran. Waxay weydiiyeen su’aalo la xiriira qabiiladooda kadibna iyagoo sidii u xir xiran ayay isaga tageen inkastoo mar dambe la ogaaday in wiil yar oo dhallinyaro ah ay horey usii kaxaysteen kaasoo degaanka caan ka ahaa.

Ciidamadan Mareykanka iyo kuwa uu ku ugaarto ee Bankaraf ayaa dhawaan fashil kala kulmay weeraro ay ku qaadeen Awdheegle iyo Mubaarak kadib markii ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan ka dhageyso Wareysiyada dadka deegaanka MP3







Related Items