Dagaal ka dhax qarxay Melleteriga Itoobiya iyo Kooxaha Mucaaradka Oromada.

Monday January 14, 2019 - 08:49:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ka dhax qarxay Melleteriga Itoobiya iyo Kooxaha Mucaaradka Oromada.

    Dowladda Itoobiya ayaa dib usoo cusboonaysiisay dagaalladii ay kula jirtay qaar kamid ah jabhadaha wadankaasi oo sanaddii lasoo dhaafay ay heshiis nabadeed lagashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa dib usoo cusboonaysiisay dagaalladii ay kula jirtay qaar kamid ah jabhadaha wadankaasi oo sanaddii lasoo dhaafay ay heshiis nabadeed lagashay.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo iyo duqeymo culus ay dib uga billaawdeen gobolka Oromia oo kamid ah ismaamul goboleedyada ugu ballaaran wadankaasi.

Melleteriga Itoobiya oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo ku qaaday degmada Qellem Wellega ee katirsan gobolka Oromia halkaas oo ay ku suganyihiin dagaalyahanno katirsan Jabhadda Xureynta Oromada ee loo yaqaal OLF.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha dowladda ka geysteen deegaanka Qellem Wellega, weerarkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Mucaaradka OLF ay jabsadeen illaa 10 Banki oo maxalli ah ayna ka daabusheen lacago malaayiin bir ah.


Lama oga in duqeyntan ay wax udhimi karto heshiiskii nabadeed ee xukuumadda Abiy Axmed ay lagashay kooxaha mucaaradka ah ee kasoo jeeda qowmiyadaha kala duwan

Related Items