deg deg: Xarakada Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar xooggan oo ka socda magaalada Nairobi.

Tuesday January 15, 2019 - 16:58:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    deg deg: Xarakada Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar xooggan oo ka socda magaalada Nairobi.

    War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay weerar aad u xooggan oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay weerar aad u xooggan oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya.


Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo ku daatay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah.

"Ciidamo inqimaasiyiin ah oo katirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen udaateen" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa xilli maanta ay ku beegantay sedax sano kadib markii uu dhacay weerarkii Ceelcadde oo lagu dilay in kabadan 200 oo askari Kenyaan ah.


wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items