Dagaalkii Magaalada Nairobi oo sii xoogeystay iyo Dagaalyahannada Al Shabaab oo Westland ka dagaallamaya.

Tuesday January 15, 2019 - 21:07:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Magaalada Nairobi oo sii xoogeystay iyo Dagaalyahannada Al Shabaab oo Westland ka dagaallamaya.

    Dagaal culus ayaa wali ka socda gudaha magaalada Nairobi halkaas uu maanta gelinkii dambe ka bilaawday weerar xooggan oo ay qaadeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal culus ayaa wali ka socda gudaha magaalada Nairobi halkaas uu maanta gelinkii dambe ka bilaawday weerar xooggan oo ay qaadeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa sheegaya in boqolaal katirsan ciidamada Kenya sida melleteriga iyo Booliska ay ku biireen dagaalka, qoraal kasoo baxay Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in gaadiid ay uga qeyb qaadanayso dagaalka.

Weerarkan oo saacado badan socda ayay xoogaga Al Shabaab ugu suurtagashay in ay gudaha ugalaan xarumo isku raran ah iyo Hotelka DusitD2.

Taliyaha Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay la tacaalayaan weerar xooggan isagoo qiray in ragga weerarka fuliyay ay gudaha ugaleen dhismayaal dhaadheer.

Related Items