Sawirro: Dowladda Qadar Oo Melleteri ahaan uga qeyb qaadanaysa Duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya.

Thursday January 17, 2019 - 19:09:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dowladda Qadar Oo Melleteri ahaan uga qeyb qaadanaysa Duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya.

    Qadar oo caan ku ah ka qeyb qaadashada dagaalka ay reergalbeedku ugu magac dareen 'Argagaxisa ladirirka' ayaa qaadday tallaab kale oo ay ku muujinayso sida ay ugu ceynsantahay reergalbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qadar oo caan ku ah ka qeyb qaadashada dagaalka ay reergalbeedku ugu magac dareen 'Argagaxisa ladirirka' ayaa qaadday tallaab kale oo ay ku muujinayso sida ay ugu ceynsantahay reergalbeedka.

Markii ugu horraysay ayay agab melleteri iyo gaadiid gaashaaman waxay dowladda Qadar kasoo dejisay dekadda caalamiga magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqoto isbaheysiga saliibiga ah ee duullaanka ku jooga dalka.

Saraakiil ka socotay wasaaradda G/dhigga Qadar oo maalmahan Muqdisho socdaal ku joogay ayaa Dowladda Federaalka ku wareejiyay illaa 68 gaari oo nuuca gaashaaman ah.

Wasaaradda G/dhigga Qadar ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonto dagaalka ka dhanka ah Shabaabul Mujaahidiin, falanqeeyaasha ayaa aamisan in tallaabadan ay xukuumadda Dooxa ku muujinayso sida ay ubuuxin karto kaalintii dowladda Imaaraatka carabta oo sanadii 2018 joojisay taageeradii ay siin jirtay DF-ka iyo ciidamada AMISOM.


Gaadiidka maanta lagu wareejiyay dowladda Federaalka ayaan wax weyn ka tari doonin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab waana gaadiid ciidamada AMISOM ay ku adkaatay in ay u isticmaalaan dagaallada kadib markii dhowr mar qaraxyo looga gubay kuwana laga qabsaday.

Xarakada Al Shabaab ayaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kula dagaallamaysa kumanaan kun oo ciidamo Afrikaan ah oo ka socda illaa 5 dowalood oo ay ugu horreeyaan Itoobiya iyo Kenya.







 SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items