War ka soo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab
oo ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa lagu sheegay in Mujaahidiintu ay saaka cagta mariyeen Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay
degmada Buurhakaba kuna sii jeeday magaalada Baydhabo.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagu
dilay ugu yaraan 38 askari oo Itoobiyaan ah, laguna ganiimeystay ugu yaraan 4 gaari iyo wixii zaanad ah ee saarnaa.
Ilo wareedyo ayaa SomaliMemo u xaqiijiyey in dagaalayahanada
Al-Shabaab ay gaadiidka ka furteen hubkii iyo agab dagaal, ugu dambeyntiina
ay goobta ku gubeen.
Ilo wareedyo kale ayaa noo sheegay in gaadiidka
ay gaartay jug xoogan intii uu dagaalku socday Islamarkaana ay suuragali weysay in ay socdaan ama la jiido.
Ciidamada xabashida ee ka bad-baaday kamiinka ayaa ku
firxaday dhulka howdka ah, waxaana la sheegay in qaarkood iyagoo aan dheg la
qabta lahayn ku yaaceen degmada Buurhakabo oo qiyaastii 20km u jirta halka uu weerarku ka dhacay.
Dagaalayahanada Al-Shabaab ayaa sidoo
kale ku dabajira askar fara badan oo ku yaacay howdka intii uu dagaalku socday kuwaas
oo aan ilaa hadda masiirkooda la ogeyn.
Saraakiisha Mujaahidiintu waxay sheegeen in ay suuragal
tahay in khasaaruhu uu sii kordho, maadama ay jiraan askar badan oo iyagoo
dhaawacyo ah ku firxaday howdka.
Gurmad La Weeraray.
Dhanka kale, Cutubyo ka tirsan Mujaahidiinta oo ku
diyaarsanaa duleedka magaalada Beydhabo ayaa kamiin u dhigay kolonyo ciidamo Itoobiyana ah oo u soo gurmaday saaxiibadooda uu weerarku ku socday.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa sheegay in kolonyadaas laga
gubay laba gaari, kuna hakadeen goobtii lagu weeraray.
Sidaas oo kale Mujaahidiinta ayaa weerar loo adeegsaday
madaafiicda goobta ku qaaday saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada
Buurhakabo xilli halkaas lagu diyaarinayey ciidamo gurmad ah oo la doonayey
in loo diro askarta uu kamiinku qabsaday.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in la arkayey uuro iyo holac ka
baxayey saldhigga balse lama hayo khasaare rasmi ah oo ka dhashay duqeyntaasi.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sanadkii 2015-kii isla wadadan ku dhishay in ka badan 60 askari oo Itoobiyaan ah, kuna gubtay gaadiid fara badan ka dib markii ay kamiin culus u dhigtay ciidamo Itoobiyaan ah oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Buur iyo Beydhabo.
Faah Faahin: Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayay duleedka Magaalada Buurhakaba.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa tilmaamaya in saaka ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kamiin culus u dhigeen kolonyo Itoobiyaan ah oo ku safrayey wadada laamiga ee isku xirta magaalooyinka Baydhabo iy