Meydadka 57 Askari Itoobiyaan ah oo lagu arkay goobta dagaalka ee duleedka Buurhakaba.

Friday January 18, 2019 - 11:43:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Meydadka 57 Askari Itoobiyaan ah oo lagu arkay goobta dagaalka ee duleedka Buurhakaba.

    Waxaa sii kordhaya khasaara dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar aad u xooggan oo saaka ku qabsaday duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaadiid itoobiya looga gubay gobolka Baay
Waxaa sii kordhaya khasaara dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar aad u xooggan oo saaka ku qabsaday duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku hayaan meydadka 57 askari Itoobiyaan ah walina ay ku mashquulsanyihiin aruurinta dhaawacyada iyo Meydadka ciidanka xabashida.

"Khasaara aad u xooggan ayaa ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya kasoo gaaray weerarkii saaka ka dhacay duleedka Buurhakaba, inta meydad ah ee Mujaahidiintu hadda gacanta ku hayaan waa 57 askari walina dhaawacyo iyo Meydad ayaa dhulka howdka ah laga baadi goobayaa"ayuu yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay weerarkii saaka ku gubeen 7 gaari oo ubadan nuuca xamuulka qaada ee loo yaqaan Uuraalka oo ah gaadiid ay caan ku yihiin ciidamada gummeysiga Itoobiya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items