Meydadka 80 Askari Itoobiyaan ah oo laga dhoofiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhaba.

Monday January 21, 2019 - 09:38:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Meydadka 80 Askari Itoobiyaan ah oo laga dhoofiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhaba.

    Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar aad u xooganaa oo Jimcihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar aad u xooganaa oo Jimcihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo iyo dad ku sugan magaalada Baydhabo Meydadka 80 Askari Itoobiyaan ah ayaa shalay laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Meydadka oo lagu shubay Sanaadiiq waxaa qaadday diyaarad xamuul ah waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaraddu soo caga dhigatay.

Meydadka ayaa ladaabulay saacado yar kadib markii uu soo idlaaday howlgal Meyd aruurin ahaa oo ciidamada Xabashida Itoobiya muddo 2 maalmood ah ka wadeen wadada xiriirisa Buurhakaba iyo Baydhabo.


80-ka askari ee Meydadkooda loo dhoofiyay waxaa qeyb ka ahaa 10 askari oo Meydadkooda lagasoo helay dhulka howdka ah ee dhaca duleedka magaalada Buurhakaba.

Goob joogayaal tagay deegaanka Mooda Moode oo ah halka lagu gummaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen gaadiidka laga gubay Itoobiyaanka oo wadada laamiga ah yaal iyo dhiig ku daadsan wadada.

Xarakada Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 57 askari Itoobiyaan ah ay ku dishay weerarkii dhabbagalka ahaa ee Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Baay.

Related Items