Xagjirayaal Shirqool umaleegayay Jaaliyadda Muslimiinta New York oo Gacanta lagu dhigay.

Wednesday January 23, 2019 - 09:46:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagjirayaal Shirqool umaleegayay Jaaliyadda Muslimiinta New York oo Gacanta lagu dhigay.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay dad American Nasaara ah oo maleegay weerar shirqool ah oo lagu gummaadi rabay jaaliyadda muslimiinta ee kunool gobolla New York dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay dad American Nasaara ah oo maleegay weerar shirqool ah oo lagu gummaadi rabay jaaliyadda muslimiinta ee kunool gobolla New York dalkaasi.


Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ay qabteen afar ruux kuwaas oo laga fashiliyay weerar aad u ballaaran oo ay ku xasuuqi lahaayeen dad shacab muslimiin ah oo kunool degmada Hancock oo ay kutaal mu'asasada islaamiga ah ee Islam Berg.

Dambiilayaasha ayaa doonayay in ay qarxiyaan dhismaha markazka islaamiga ah iyo xaafad isku rararan ah oo katirsan New York dhammaantoodna waxaa deggan jaaliyadda muslimiinta ee kasoo jeedda wadamada Afghanistan iyo Pakistan.


Baarayaasha Mareykanka waxay sheegeen in Afarta Nin ee laqabtay ay diyaariyeen ugu yaraan sedax Miino gacan ku sameys ah iyo fuustooyin ay ka buuxaan walxaha dareera ee qaraxyada sameeya oo ay ku dhax shubeen Masaamiir iyo haraadiqada gantaallada.

Sidoo kale hubka ay kooxdan udiyaarsadeen in ay ku weeraraan dhismayaasha muslimiinta waxaa kamid ahaa 23 qori nuuca otamaatigga udhaca ee weerarka  oo ay toogasho ku geysan rabeen marka ay fuliyaan qaraxyada si aysan cidna uga badbaadin shirqoolka weyn oo ay maleegayeen balse markii dambe fashilmay.

Kooxdan gaalada Xagjirayaasha ah ee gummaadka umaleegayay muslimiinta ayaa ku andacoonayay in Markazka islaamiga ee (Islam Berg) uu ahaa goob ay ku tababartaan dad muslimiin ah oo ay ugu yeereen Argagaxiso oo ah halku dhig ay gaaladu boor ku qaris uga dhigtaan xasuuqa muslimiinta.

Qadiyaddan oo gudaha Mareykanka looga yaqaan "Shirqool" illaa iyo hadda wax war ah kamasoo saarin mas'uuliyiinta ugu sarraysa Mareykanka marka laga reebo saraakiisha Booliska iyo Maxkamadaha Federaaliga ah oo warbaahinta ka sheegay halista qorshaha lamaleegayay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items