Maamulka Shirkadda Hormuud Oo Ka hadlay Burburinta Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda.

Saturday January 26, 2019 - 09:24:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Shirkadda Hormuud Oo Ka hadlay Burburinta Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda.

    Ciidamada gummeysiga Kenya ayaa sare uqaaday dhibaatada ay ugeysanayaan isgaarsiinta dalka Soomaaliya deegaanno katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada gummeysiga Kenya ayaa sare uqaaday dhibaatada ay ugeysanayaan isgaarsiinta dalka Soomaaliya deegaanno katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.


Maamulka shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo hadlay dhibaatada ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda ayaa sheegay in illaa 8 xarumood oo hor leh ay burburiyeen ciidamada Kenya.

Afhayeenka u hadlay shirkadda Hormuud wuxuu sheegay in kumanaan kun oo shacab Soomaaliyeed ah ay isgaarsiin la'aan ku yihiin dhowr deegaan oo katirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wararka laga helayo Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada gummeysiga Kenya ay cagta mariyeen xarumuhii shirkadda ee deegaannada kala ah Ceel baande, Cali Buuley, Kuuntoow Dhamase iyo khadiijo Xaaji.



Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa hal qof oo kamid ah shaqaalaha Hormuud ku dilay deegaanka Dhuyac Garoon ee Jubbada Hoose xilli ay duqeyn ku burburinayeen xaruntii shirkadda ee deegaankaas.

Dad ku dhow 70-kun shacab ah ayaa isgaarsiin la'aan ku ah deegaannada laga burburiyay xarumaha shirkadda kuwaas oo katirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose, illaa iyo hadda dowladda Kenya kam hadlin sababta ay u burburinayso xarumaha shirkaddan.

Waxaa xusid in deegaanno katirsan Jubbada Hoose gaar ahaan Buurgaabo illaa iyo Raas Kaambooni ay afar sanadood ka hor gaareen saraakiil ka socotay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee Safaaricoom ayna sheegeen in shirkadoodu ay xarumo ka dhisan doonto arrinkaas oo farriin cad u ah in ay dagaal kula jirto dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items