Dhageyso: Wareysi gaar ah oo Idaacadda Alfurqaan ay la yeelatay Sheekh Yuusuf Kaba Kudukade [Qeybta Koowaad].

Sunday January 27, 2019 - 10:36:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Wareysi gaar ah oo Idaacadda Alfurqaan ay la yeelatay Sheekh Yuusuf Kaba Kudukade [Qeybta Koowaad].

    Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba ku dukade) oo ah Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelaha Dhexe oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda gobolka iyo dhacdooyinkii Nairo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba ku dukade) oo ah Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelaha Dhexe oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda gobolka iyo dhacdooyinkii Nairobi, Baarsanguuni iyo weerarkii lagu gumaaday ciidamada Itoobiya ee 20-kii bishan ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba.


Sheekha ayaa ugu horreyn bogaadiyay sadaxdaasi dhacdo isagoo sidoo kale is dul taag ku sameeyay kuna falanqeeyay aragti islaami ah, wuxuuna ku tilmaamay qeyb ka ah jawaabaha ay Mujaahidiintu ka bixinayaan duullaanada gardarrada ah ee ay shisheeyuhu kusoo qaadeen wadanka Soomaaliya.

Intaasi kadib, waxa uu ka war bixiyay xaaladda guud ee wilaayada iyo natiijada ka dhalatay shirkii dib u heshiisiineed ee ay bil ka hor dhex dhigeen qabaa’il walaalo ah oo ay colaadi soo kala dhex gashay.



Wuxuu sheegay in miro fiican uu kasoo baxay dib u heshiisiintaas sidoo kalana ay dhaqan galeen dhammaan qodobadii kasoo baxay shirka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada shisheeye ay wadaan isku dirka qabaa’il hor leh oo wada dega xadka Hiiraan iyo Sh/dhexe, arrintaasoo ay uga golleeyihiin sidoo ay isugu mashquulin lahaayeen bulshada kadibna danahooda u ga fushan lahaayeen.

Maamulka islaamiga ah ee Sh/dhexe waxaa waayihii dambe aad ugu soo badanayay askarta kasoo goosanaysa Dowladda ama Hirshabbe ee isku dhiibeysay wilaayada, waxaana aan Sheekh Yuusuf weydiinay waxa u sababta ah arrintan, wuxuuna xusay in sadax arrimood ay u sabab yihiin sida:- habka wanaagsan ee ay ula dhaqmaan marka ay yimaadaan iyo Odayaasha dhaqanka oo kaalin weyn ku leh wacyi galintooda iyo la xiriiriddooda si looga soo saaro safka shisheeyaha.

"Qofku markuu gafo Alle ayuu u gefay, marka uu towbad keenaayana Alle ayuu u towbad keenayaa cid ka diidi kartana lama arko, Diintaasna dhaqan lamid ah caalamka kama jiro. Mareykankan Sheydaanka ah oo leh annagu Dimuqraadiyo iyo wax fiicanaan ku dhaqannaa nin baa ka baxsaday oo jooga Ruushka ninkaasu hadduu yiraahdo wixii hore waan kasoo laabtay ma waxaan u maleeneysaa in Mareykanka uu usoo dhaweynayo sida aan nimankan usoo dhaweeneyno” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Kaba Ku Dukade oo faahfaahin ka bixinayay waxa keenay isi soo dhiibista joogtada ah ee ciidamada Dowladda.

Haddaba wareysiga lala yeeshay Sheekha ayaa waxa uu ka kooban yahay sadax qeybood, waxaana qeybaha soo socda uu kaga hadli doonaa arrimo kale oo muhim ah, waana idiin soo gudbin doonnaa insha’allah.

Halkan ka dhagayso Qeybta koowaad Waraysiga Waaliga Shabeellaha-dhexe Sheekh Yuusuf Kabakutukade.

Related Items