Qarax Khasaara Dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Nairobi.

Sunday January 27, 2019 - 09:31:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Nairobi.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.


Qaraxan oo la sheegay in uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la dhigay banaanka Maqaayada Tom Mboya ee ku taal wadada Latema Road ee aadka u mashquulka badan waxaa ku dhintay hal qof tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Saraakiisha Booliska dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay xireen goobta qaraxu ka dhacay ayna wadaan baaritaanno ku aaddan sababta qarax keentay.

Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli xaalad feejignaan dhanka amniga ah ay ka jirtay guud ahaan wadanka Kenya tan iyo weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee laba isbuuc ka hor ka dhacay xaafadda isku raranta ah ee Westland weerarkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 50 qof oo ubadan Kenyaan balse ay kamid ahaayeen muwaadiniin reergalbeed ah.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items