Al Shabaab "Lix Askari Jabuutiyaan ah ayay Mujaahidiintu Ku dileen Weeraro ka Dhacay Hiiraan iyo Sh/dhexe".

Sunday January 27, 2019 - 19:21:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab "Lix Askari Jabuutiyaan ah ayay Mujaahidiintu Ku dileen Weeraro ka Dhacay Hiiraan iyo Sh/dhexe".

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay illaa iyo xalay ka dhacayay deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidamo katirsan Al Shabaab
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay illaa iyo xalay ka dhacayay deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Weeraro fool ka fool ah oo ay barbar socdeen qaraxyo ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in lix askari Jabuutiyaan ah lagu dilay weeraradii ka dhacay Sh/dhexe iyo Hiiraan " Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraro isugu jiray dhabbagal iyo qaraxyo ku dilay 6 katirsan ciidamada Murtadiinta Jabuuti halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, weeraradaas waxay ka dhaceen inta u dhaxaysa deegaannada Buurane iyo Fiidoow oo ka kala tirsan wilaayaatka Hiiraan iyo Sh/dhexe" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Jabuuti ee gummeysiga ku jooga magaalooyin katirsan Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items