Kheyre Oo Booqasho ku aaday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Monday January 28, 2019 - 10:52:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kheyre Oo Booqasho ku aaday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

    Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka umba baxay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka umba baxay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.


War kasoo baxay Xafiiska Kheyre ayaa lagu sheegay in socdaalkiisu uu yimid kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Kenya balse ma sheegin waxa uu salka ku hayo socdaalkiisa iyo go'aamada kasoo baxi doona kulana uu laleeyahay Uhuru Kenyaatta.

Dowladda Federaalka oo dabadhilif u ah dowladaha ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya ayaa si kulul ucambaaraysay weerarkii bartamihii bishaan ka dhacay magaalada Nairobi ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku beegsatay Hotelka Dusitd2.


Ciidamada gummeysiga Kenya ayaa xasuuq iyo xadgudubyo dhan walba ah ka wada gudaha dalka Soomaaliya, isbuucii lasoo dhaafay ayay Melleteriga Kenya gubeen illaa sedax xarun oo ay shirkadda Hormuud ku laheyd gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items