Hoggaamiyaha 'Xisbullaah' Oo Ka Digay Dagaal lagu Hoobto oo ka Qarxa Mandiqadda Shaam.

Monday January 28, 2019 - 11:20:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha 'Xisbullaah' Oo Ka Digay Dagaal lagu Hoobto oo ka Qarxa Mandiqadda Shaam.

    Ururka shiiciga Xisbullaah isku magacaabay ee ka dagaallama wadamada Lubnaan iyo suuriya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay duqeymaha xagga cirka ah ee ciidamada Yahuuddu ay ka geysanayaan saldhigyada melleteri oo kuyaal duleedka magaalada dimishiq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka shiiciga Xisbullaah isku magacaabay ee ka dagaallama wadamada Lubnaan iyo suuriya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay duqeymaha xagga cirka ah ee ciidamada Yahuuddu ay ka geysanayaan saldhigyada melleteri oo kuyaal duleedka magaalada dimishiq.


Xasan Nasrullaah oo ah hoggaamiyaha Ururka ayaa uga digay R/wasaaraha Yahuudda in uu sii wado beegsashada waxa uu ugu yeeray Muqaawamada oo uu ula jeedo Maleeshiyaadka iiraaniyiinta ee qeybta ka ah duullaanka Saliibiga ah ee lagu qaaday muslimiinta Sunniga Suuriya.

Hoggaamiyahan shiiciga ah ayaa isagoo wareysi siinayay telefeshin laga leeyahay wadanka Lubnaan wuxuu sheegay in haddii Yahuuddu sii waddo duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyaadka shiicada Suuriya ku sugan uu dagaal lagu hoobto ka qarxi doono mandiqadda oo idil.



Warkan kasoo yeeray garabyada iiraan ee mandiqadda Shaam ayaa imaanaya xilli maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda uu ku goodiyay in ay beegsan doonaan isku imaatinnada iiraan ee wadanka Suuriya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items