Sheekh Caadil Alkalbaani Oo Isbedelka Max'med Bin Salmaan Ku Tilmaamay 'Minxo Rabbaani ah"!

Tuesday January 29, 2019 - 19:32:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Sheekh Caadil Alkalbaani Oo Isbedelka Max'med Bin Salmaan Ku Tilmaamay 'Minxo Rabbaani ah"!

    Xilli nidaamka dabadhilifka Aala Sacuud uu sare usii qaaday dadaallada uu ku doonayo in uu ku calmaaniyeeyo dhulka xarameynka ayey fadeexado hor leh lakulmayaan wadaada xumayaasha ufatwooda nidaamka kajira magaalada Riyaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli nidaamka dabadhilifka Aala Sacuud uu sare usii qaaday dadaallada uu ku doonayo in uu ku calmaaniyeeyo dhulka xarameynka ayey fadeexado hor leh lakulmayaan wadaada xumayaasha ufatwooda nidaamka kajira magaalada Riyaad.


Imaamkii hore ee Xaramka ninka lagu magacaabo Caadil Alkalbaani ayaa faafiyay hadal dad badan ka yaabiyay kadib markii uu fisqiga iyo xumaanta ay Maamulayaasha Aala sacuud  ka wadaan dhulka xarameynka uu ku tilmaamay Minxo Rabbaani ah.

Alkalbaani ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska afka dowladda ku hadla ee Alriyaadh ku sheegay in mashruuca dhalan rogga ah ee Maxamed Bin Salmaan dhaxal sugaha sacuudiga wado uu yahay mid barakaysan oo ladoonayo in ay taageeraan shacabka sacuudiga.



Wadaad xumahan dabadhilifka ah ayaa isagoo hadlayay yiri "hay'adda tamashleynta waa minxo rabbaani ah" wuxuuna  dhalinyarada dhulka Xarameynka ugu gacan haatinayay in ay ka qeyb qaataan isbedellada socda dhanka calmaaniyadda.

Max'med Bin Salmaan ayaa dhisay wax uu ugu yeeray hay'adda tamashleynta oo lacago balaayiin dollar ah lageliyay hay'addaas ayaa qaabilsan in dalka ay soo geliso fanaaniin gaalo ah iyo kuwa fusuqa ah islamarkaana ay abaabusho xaflado fuxshi ah ,sidoo kale hay'addan ayaa nidaamka Aala Sacuud uqaabilsan in fanka iyo fuxshiga ay ku faafiso magaalooyinka waaweyn.

Caadil alkalbaani ayaa fatwadiisa beenta ah ku sheegayay mid sharci ah jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixiyay warkan uu soo saaray Alkalbaani oo ah imaamkii hore ee xaramka baraha bulshadu kuwada xiriirto ayaa si adag looga jawaabay.

Ninkan kamid ah wadaada xumayaasha Aala sacuud ayaa sanaddii lasoo dhaafay soo saaray fatwo banaynaysa ciyaarta Turubka gaar ahaan midda khamaarka ee xaaraantinimadeeda ay culimada islaamku isku waafaqsanyihiin.

Related Items