Isku dhacyo u dhaxeeya Amxaarada iyo Soomaalida oo ka Billaawday Magaalada Jigjiga.

Wednesday January 30, 2019 - 11:11:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isku dhacyo u dhaxeeya Amxaarada iyo Soomaalida oo ka Billaawday Magaalada Jigjiga.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay xaalad Bandow ah kusoo rogeen magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay xaalad Bandow ah kusoo rogeen magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah gobolka.


Isku dhacyo u dhaxeeya dadka Amxaarada gaalada ah iyo Soomaalida musliminta ah ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka jiray magaalada Jigjiga iyo deegaannada hoos yimaad.

Tobanaan Dukaan oo ay Jigjiga ku lahaayeen Qowmiyadda Amxaarada ayaa weeraro lagu qaaday waxaana ka dhashay jawaab celin ay sameeyeen dadka Amxaarada ah ee weerarka lakulmay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiil katirsan dowladda Itoobiya oo Amxaarada kasoo jeeda ay iyana abaabuleen weeraro jawaab celin ah oo ay uga aargudanayaan shacabka Soomaalida.



Shalay gelinkii dambe ayaa kumanaan katirsan ciidamada Melleteriga Dowladda Xabashida Itoobiya lagusoo daadiyay waddooyinka Jigjiga iyadoona magaaladu xalay Bandow ku waabariisatay.

Maamulka dabadhilifka ee Mustafa Cagjar madaxda ka yahay ayaa rabshadahan cusub ku eedeeyay nidaamkii hore ee Cabdi Ileey Madaxda ka ahaay.

20-kii sano ee lasoo dhaafay ayay Tobanaan kun qoys Amxaara ah deegaameysi ka sameynayeen magaalada Jigjiga taas oo qeyb ka ah qorshaha ay Xabashida Itoobiya ku doonayso in ay kuwada qabsato deegaannada Somaligalbeed oo hadda gummeysi dhanka maamulka ah kujira.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items