130 qof Itoobiyaan ah oo ku haftay Biyaha Badda Cas Ee Wadanka Jabuuti.

Wednesday January 30, 2019 - 12:25:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    130 qof Itoobiyaan ah oo ku haftay Biyaha Badda Cas Ee Wadanka Jabuuti.

    Wararka ka imaanaya wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in boqolaal qof Itoobiyaan ah lagu la'yahay biyaha Badda Cas kadib markii ay la degtay doon ay ku safrayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in boqolaal qof Itoobiyaan ah lagu la'yahay biyaha Badda Cas kadib markii ay la degtay doon ay ku safrayeen.

Laba doon oo ka sharaacday deegaanka xeebta ku teedsan ee Godoria oo dhaca Waqooyi Bari dalka Jabuuti ayaa loo malaynayaa in ay ku degeen badda gunteeda sida ay sheegeen saraakiil u hadashay hay'adda socdaalka Q.Midoobay.

Meydadka illaa 5 qof ayaa lagasoo helay xeebta waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen inta badan 130 ruux oo la socday doomaha degay oo kusii jeeday dhanka wadanka Yemen.

Dadkan ku haftay biyaha Badda Cas ayaa tareen kasoo raacay wadanka Itoobiya waxayna doonayeen in ay usii tahriibayaan dalka Sacuudi Carabiya, sanad walba boqolaal Itoobiyaan ah ayaa ku dhinta xeebaha wadamada Yemen iyo Soomaaliya waxayna dadkaasi ka cararayaan faqri iyo nolol xumo ku heysata gudaha Itoobiya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items