Al Shabaab Oo Muqdisho Ku dishay Gaashaanlle Sare Cabdul Qaadir Ibraahim Cabdulle [Warbixin].

Thursday January 31, 2019 - 10:08:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Muqdisho Ku dishay Gaashaanlle Sare Cabdul Qaadir Ibraahim Cabdulle [Warbixin].

    Xoogag hubeysan ayaa saaka degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa saaka degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka.

 Goob joogayaal ku sugan degmada Weerarku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag hubeysan ay toogasho ku dileen Gaashaanlle Sare Cabdul Qaadir Ibraahim Cabdulle oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada  dowladda.

Raggii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga baxsaday, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarka "Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay Sarkaal katirsanaa kooxda Ridada oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ah mid xasaasi ah waxaana aad ugu xooggan askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka, maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Al Shabaab ay qarax ku dishay  saraakiil ku sugnaa halka loo yaqaan Daljirka Daahsoon oo aan sidaas uga fogeyn xarumaha waaweyn ee dowladda.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items