6 Askari Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Lagula Beegsaday Duleedka W/weyn.

Thursday January 31, 2019 - 21:01:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Askari Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Lagula Beegsaday Duleedka W/weyn.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay gobolka Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Wanllaweyn ayaa sheegaya in qarax xooggan maanta gelinkii dambe lagula beegsaday gaari Tiknika ah.

Qarax miino ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah xilli uu ku socdaalayay wadada laamiga ah, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in 4 askari ay ku dhinteen qaraxa halka 5 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga qaraxa lala helay uu rogmaday, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items