Jeneraal Itoobiyaan Ah Oo Hoggaanka Uqabtay Soo Duulayaasha AMISOM.

Friday February 01, 2019 - 14:13:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Jeneraal Itoobiyaan Ah Oo Hoggaanka Uqabtay Soo Duulayaasha AMISOM.

    Ururka Midowga Afrikan ee hoggaaminaya duullaanka ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in taliye cusub loo magacaabay ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Afrikan ee hoggaaminaya duullaanka ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in taliye cusub loo magacaabay ciidamada AMISOM.

Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa hoggaanka uqabatay maamulidda dhammaan ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee gummeysiga ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa munaasabada ka dhacday Xerada Xalane ku sheegay in Jenaraal Tigabu Yilma Wondimhunegn oo Itoobiyaan ah uu noqday taliyaha cusub ee AMISOM.

Wuxuu bedelay Jeneraal u dhashay wadanka Uganda oo sanaddi 2018 hayay taliska ugu sarreeya ciidamada gummeysiga Itoobiya, Jeneraal Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Xabashida Itoobiya ee Soomaaliya qabsaday sanaddii 2006 wuxuuna ku dhaawacmay dagaalladii cuslaa ee Muqdisho ka dhacay sanaddii 2007.


Tani ayaa ka dhigan in Xabashida Itoobiya loosii gacan gelinayo dalka Soomaaliya iyadoo la ogyahay cadaawadda gaamurtay ee Dowladda Itoobiya uqabto shacabka Soomaaliyeed.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items