Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Camaliyad istish-haadi ah oo lagu beegsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Baardheere.

Saturday February 02, 2019 - 10:34:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Camaliyad istish-haadi ah oo lagu beegsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Baardheere.

    Qarax aad u xooggan ayaa goordhow laga maqlay magaalada Baardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari uuraal ah oo Itoobiya laga gubay
Qarax aad u xooggan ayaa goordhow laga maqlay magaalada Baardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Baardheere ayaa sheegaya in weerar Naf hurnimo lagu beegsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee kuyaal meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmadaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka "Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere, macluumaadka hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in dhimashada cadowga gaartay ay tahay 16 askari" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.


Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu ka kaxaynayay Istish-haadi lagu dhuftay Koontaroolka laga galo Saldhigga Melleteri ee ADC waxaana halkaas ku hoobtay ciidamadii ilaalada ka hayay saldhigga.

Weerarkan ka dhacay magaalada Baardheere ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii dowladda Itoobiya ay hoggaanka uqabatay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Related Items