Koox Jihaadi ah oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Fulisay Gudaha Wadanka Iiraan.

Saturday February 02, 2019 - 20:45:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Jihaadi ah oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Fulisay Gudaha Wadanka Iiraan.

    Wararka ka imaanaya wadanka iiraan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamada melleeteriga dowladda shiicada ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka iiraan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamada melleeteriga dowladda shiicada ah.


Xoogag jihaadi ah ayaa saaka aroortii hore weeraray saldhig ay ciidamada loo Yaqaan Baasiijka ay ku leeyihiin magaalada Tekh Shahar ee dhacda Koonfur Bari ee wadanka Iiraan,

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag aad u hubeysan ay gudaha ugaleen saldhigga oo xilligaas ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil, telefeshinka ku hadla Afka xukuumadda Tahran ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari lagu dilay weerarka halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.


Jamaacada Jihaadiga Jeyshul Cadli ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida lagu sheegay bayaan ay jamaacadu soo dhigtay baraha Internetka, Jeyshul Cadli ayaa u dagaallanta sidii dhulalka muslimiinta sunniga ah looga xureyn lahaa dowladda safawiyadda iiraan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items