Askari Katirsan Dowladda Oo Qof Dumar ah Ku Dilay Suuqa Bakaaraha.

Saturday February 02, 2019 - 21:21:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Katirsan Dowladda Oo Qof Dumar ah Ku Dilay Suuqa Bakaaraha.

    Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.



Askari ka tirsan maleeshiyaadka Dowladda  ayaa si bareer ah gudaha suuqa Bakaaraha ugu dilay  Hooya Waayeel ah  waxaana falkaasi naxdinta leh faah faahin ka bixiyay ehelkeeda.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in askarigu uu si toos ah rasaas ula dhacay Hooya Xaawo Shiikhow Faarax  Xilli ay la socotay Moota Bajaaj falkanna wuxuu ka dhacay isgoyska Bakaaraha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga dilka geystay uu si nabad gelya ah goobta uga baxsaday mana jirin wax dabagal ah oo ay ku sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka ee ka howlgala isgoyska Bakaaraha, wiil ay dhashay Xaawo Sheekhoow ayaa mid kamida Idaacadaha Muqdisho usheegay in xilligii ladilayay hooyadiis ay xanuunsanaysay.



Dilalka ka dhanka ah dadka shacabka ah ee ciidamada dowladdu ka geystaan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sanadadii lasoo dhaafay sii kordhayay waxayna dhibaatada ugu daran ugeystaan darawallada Moota Bajaajta.

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items