Qarax Gaariga looga Gubay Ciidamada Kenya oo Ka Dhacay Gobolka Gaarisa.

Saturday February 02, 2019 - 21:44:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaariga looga Gubay Ciidamada Kenya oo Ka Dhacay Gobolka Gaarisa.

    Al Shabaab ayaa weerar hor leh ku qaadday ciidamada dowladda Kenya ee guumeysiga ku heysta dhulka loo bixiyay waqooyi Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa weerar hor leh ku qaadday ciidamada dowladda Kenya ee guumeysiga ku heysta dhulka loo bixiyay waqooyi Bari.


Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday ciidamada Booliska dowladda Kenya.

Qarax xooggan ayaa lagu beegsaday gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada dowladda Kenya xilli uu ku socdaalayay deegaanka Amuume oo hoos taga degmada Gaarisa ee gobolka NFD.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay gaari Kooyal ah waxaana dhimasho iyo dhaawac noqay dhammaan ciidamadii la socday gaariga, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse wax war ah kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya.


Weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Kenya ee gudaha Soomaaliya iyo Gobollada NFD iyo Lamu ayaa sare usii kacay billaawga sanaddan 2019.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items