Hubka Ciidamada Dowladda Federaalka oo Suuqyada Muqdisho lagu kala iibsado!

Sunday February 03, 2019 - 11:37:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hubka Ciidamada Dowladda Federaalka oo Suuqyada Muqdisho lagu kala iibsado!

    Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in hubkii ciidadeeda ay ku qalabeeyaan dowladaha shisheeye qaab suuq madoow ah loogu kala iibsado gudaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in hubkii ciidadeeda ay ku qalabeeyaan dowladaha shisheeye qaab suuq madoow ah loogu kala iibsado gudaha dalka Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda melleteriga dowladda ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in hub leh astaanta ciidamada dowladda lagu arko iyadoo lagu kala iibsanayo suuqyada iyadoona marmarka qaar hubkaas loo adeegsado dhaca ganacsatada gobolka Banaadir.

"Kiisas badan oo maxkamadda la horkeenay ayaan ku ogaanay in hubkii ciidamada xoogga lagu galay falal dambiyeedyo sidoo kale hub leh astaanta ciidamada dowladda ayaa si sharci darra ah loogu kala iibsadaa suuqa cirtoogte ee magaalada Muqdisho" sidaas waxaa yiri G/Sare Cabdullaahi Buule Kameey oo ah xeer ilaaliyaha maxkamadda melleteriga.


Bil walba ayaa kumanaan kun oo ah qoryaha AK47 waxay ciidamada dowladdu geystaan suuqyada hubka gobolka Banaadir iyagoo qiima jaban isaga iibiya halka hubka qaar uu si fudud ugu gacan galo Xarakada Shabaabul mujaahidiin.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items