Al Shabaab Oo Dib ula wareegay Deegaanno dhanka Galbeed uga Beegan Magaalada Kismaayo.

Sunday February 03, 2019 - 15:17:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Dib ula wareegay Deegaanno dhanka Galbeed uga Beegan Magaalada Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanno istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanno istiraatiiji ah.

Ciidamo huwan ah oo isugu jira Kenyaati,American iyo kuwa Axmed Madoobe ayaa isaga baxay deegaannada Janaay Cabdalle iyo Beerxaani oo dhammaantood hoos yimaad magaalada Kismaayo.

Xoogaga Al Shabaab ayaa halkaas dib uqabsaday iyadoona ciidamadii huwanta ahaa ay dib ugu kala laabteen garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo deegaanka Cabdalla Biroole.

Duqeyn habeen hore ay diyaarado Drone ah dad shacab ah ugu geysteen deegaanka Janaay Cabdalle ayaa sababay khasaara dhaawacyo ubadan sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Ciidamada huwanta ah oo isbuucii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay deegaannada dhanka galbeed Kismaayo uga beegan ayaa weeraro isdaba joog ah kala kulmayay xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Difaacyo ay ciidamada Americanka ah maleeshiyaadka Axmed Madoobe uga qodeen tuulada Janaay Cabdalle ayaa dab la qabadsiiyay, ma ahan markii ugu horraysay ee ciidamada shisheeye iyo kuwa Soomaalida dabadhilifyada ah ay deegaanno isaga baxaan kadibna ay dib ula wareegaan xoogaga Al Shabaab.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items