Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyada Howlgal Ka Dhacay Boosaaso Oo Lagu Dilay Agaasimihii Shirkada DP World.

Monday February 04, 2019 - 09:17:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyada Howlgal Ka Dhacay Boosaaso Oo Lagu Dilay Agaasimihii Shirkada DP World.

    War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in Guutada Iqtiyaalaatka ee Mujaahidiinta ay subaxnimadii hore ee saaka ay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday agaasimihii Shirkadda DP world.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab.
War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in Guutada Iqtiyaalaatka ee Mujaahidiinta ay subaxnimadii hore ee saaka ay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday agaasimihii Shirkadda DP world.


Afhayeenka ciidamada Xarakada  Al-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa idaacada Andalus usheegay in howlgalkaas lagu dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isku tagga Imaaraatka Carabta, xooggana ku haysata dekedda Boosaaso

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha Shisheeye ee calooshood u shaqaytayaasha ah ee boobka iyo faragelinta ka wada Soomaaliya doonaya in ay la wareegaan kheyraatka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.


Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowr jeer digniino u dirtay hay’adaha iyo shirkadaha ku howllan boobka ka dhanka dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo Xarakadu ay dhawaan ku goodisay in ay talaabo adag ka qaadi doonto hay’adaha ku howlan falalkaasi gurracan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items