Sheekh Cali Dheere Oo shisheeyaha Boobka ku haya Kheyraadka Soomaaliya ku yiri "Waad Ku Dhimanaysaan Ee Ku Naaxi Maysaan" [Dhageyso].

Monday February 04, 2019 - 19:27:06 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Dheere Oo shisheeyaha Boobka ku haya Kheyraadka Soomaaliya ku yiri "Waad Ku Dhimanaysaan Ee Ku Naaxi Maysaan" [Dhageyso].

    Hoggaanka Xarakada Shababaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray weerar aad u qorshaysnaa oo saaka ka dhacay magaalada Boosaaso laguna dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa maamulihii shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka carabta ay leedahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Xarakada Shababaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray weerar aad u qorshaysnaa oo saaka ka dhacay magaalada Boosaaso laguna dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa maamulihii shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka carabta ay leedahay.


Sheekh Cali dheere oo ah Afhayeenka Al Shabaab ayaa shir Jaraa'id ku sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu difaacayo Kheyraadka umadda Soomaaliyeed oo ay kuu boob ku hayaan dowlado iyo shirkada shisheeye.

Wuxuu sheegay in shirkadda DP World ee dowladda imaaraatka Carabta ay dhibaato ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed islamarkaana ay dekadda Boosaaso ka Eriday shaqaalihii muruq maalka ahaa ayna keensatay shaqaale gaalo ah, isagoo farriin udirayay shisheeyaha boobaya dhaqaalaha Soomaaliya ayuu yiri "Waad Ku Dhimanaysaan Ee Ku Naaxi Maysaan".


Shabaabul Mujaahidiin waxay ku hanjabtay in shisheeyaha boobka ku haya dhaqaalaha Soomaaliya ay dagaal adag lagelayso waxayna soo hadal qaadday shirka ka dhici doono magaalada London oo qeyb ka ah boobka dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed niyadda ugu dajisay in ay leeyihiin rag mujaahidiin ah oo usoo dhiciya dhaca lagu hayo kheyraadkooda islamarkaana ay ka hor tagi doonto Heshiiskii Afarta dekadood ee Farmaajo uu dowladda Itoobiya kusiiyay Dekado kuyaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Halkan ka degso Shirka Jaraa'id ee Sh,Cali dheere ama hoos ka dhageyso


Related Items