inta Badan Dowladaha Qaaradda Yurub Oo Madaxweyne u aqoonsaday Hoggaamiyaha Mucaaradka Venezuela.

Tuesday February 05, 2019 - 07:46:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    inta Badan Dowladaha Qaaradda Yurub Oo Madaxweyne u aqoonsaday Hoggaamiyaha Mucaaradka Venezuela.

    Waxaa sii kordhaya kala qeybsanaanta dhanka siyaasadda ah ee kajirta wadanka Venezuela ee dhaca qaaradda laatiin ameerika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya kala qeybsanaanta dhanka siyaasadda ah ee kajirta wadanka Venezuela ee dhaca qaaradda laatiin ameerika.

 


dowlado reergalbeed ah ayaa ku dhawaaqay in ay aqoonsi siyaasadeed siiyeen hogaamiyaha mucaaradka Venezuela ninka lagu magacaabo Khuwaan Guweydo.

Dowladaha kala ah Faransiiska,Jarmalka, Britain,Spain iyo Sweeden ayaa iclaamiyay in ay madaxweyne u aqoonsanyihiin Khuwaan Guweydo ayna kalsoonidii kala laabteen maaduuru oo muddo badan gacan melleteri ku maamulayay wadanka Venezuela oo mar ahaa wadanka ugu dhaqaalaha wanaagsan wadamada dhaca qaaradda laatiin ameerika.



Dowlado ay kamid yihiin mareykanka iyo kanada ayaa horay u sheegay in ay madaxweyne u aqoonsanyihiin guddoomiyihii baarlamaanka xukuumadda karakas iyagoo siyaasiyiin mucaarad dibad joog ah u aqoonsaday in ay noqdaan safiirrada cusub ee Venezuela metelaya.

 

Ururka midowga Yurub ayaa horay u sheegay in uu aqoonsanyahay madaxweynaha cusub, Venezuelawaa wadanka kaliya ee dhaca qaaradda ameerika ee leh laba madaxweyne oo midba sheeganayo mansabka ugu sarreeya wadanka

Related Items