Faah Faahin: Al-Shabaab Oo Saraakiil Sarsare Ku Dishay Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Tuesday February 05, 2019 - 15:01:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al-Shabaab Oo Saraakiil Sarsare Ku Dishay Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

    Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Dhanaane ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in duhurnimadii maanta qarax aad u xoogan lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil sarsare oo ka tirsan DF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Korneel Cabdi Salaan Kurjow
Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Dhanaane ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in duhurnimadii maanta qarax aad u xoogan lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil sarsare oo ka tirsan DF.


Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay wadada u dhexaysa deegaannada Dhanaane iyo Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu burburiyey gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiil military.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada weerarkan ayaa xaqiijisay in qaraxaas ay ku dishay Korneel Cabdi Salaan Aadan Kurjow oo ahaa Abaanduulihii ciidanka loo yaqaano 12-ka April ee ciidanka DF iyo Gaashaanlle sare oo magaciisa lagu soo koobay Caddow iyo Saraakiil kale oo la socotay.



Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaas lagu dilay dhammaan ilaaladii la socotay saraakiisha la laayay.

Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa ahaa Abaanduulihii lagu badalay General Cabdi Cali Jamaame oo ku dhintay qarax bilooyin ka hor ka dhacay isla deegaanadaasi.

General Jamaame oo ahaa Abaanduulihii ciidanka 12-ka April ayaa bishii Dec. ee 2018-kii lagu dilay qarax ka dhacay wadada u dhexeysa Jaziira iyo Dhanaane, waxaana kolkaas lala dilay General lagu magacaabo Cumar dheere oo ahaa taliyihii guud ee ciidankaasi

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii laba jibaartay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo Generaalada iyo Saraakiisha ugu firfircoon ee xukuumada Farmaajo

Shalay  ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Gaashaanle sare Cabdi Nuur Kadiye oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ee ciidanka Military-ga kaas oo ka mid ahaa ku dhawaad 20 ruux oo isugu jirtay saraakiil, askar iyo shaqaale dowladeed oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items