Ciidamo Daacad u ah Waare oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka 'Hirshabelle'.

Wednesday February 06, 2019 - 16:34:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Daacad u ah Waare oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka 'Hirshabelle'.

    Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dheellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisada siyaasadeed oo aad udaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dheellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisada siyaasadeed oo aad udaran.


Xildhibaanno katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay in ay cod gelinayaan mooshin ka dhan ah Max'med Waare oo ah madaxweynaha maamulkaasi dabadhilifka ah.

Kulan ay xildhibaannadu ku yeelan lahaayeen xaruntooda magaalada Jowhar ayaa is hortaag lagu sameeyay kadib markii ciidamo aad u hubeysan ay isku gedaameen xarunta.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo wata gaadiidka Tiknikada ay saldhig ka sameysteen xarunta baarlamaanka maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Xiisada siyaasadeed ayaa laga dareemayaa Jowhar waxaana socda kulamo is khilaafsan oo ay yeelanayaan xildhibaannada kala taabacsan Waare iyo kuwa kasoo horjeeda.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items