Washington Post: Dowladda Imaaraatka Carabta Cadaadis daran ayay ku heysaa Muslimiinta Kirishtaankana Xuriyad ayay siisay.

Thursday February 07, 2019 - 07:36:39 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington Post: Dowladda Imaaraatka Carabta Cadaadis daran ayay ku heysaa Muslimiinta Kirishtaankana Xuriyad ayay siisay.

    Dowladda dabadhilifka imaaraatka carabta ayaa la sheegay in dhibaata daran ay ku heyso dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka ay maamusho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda dabadhilifka imaaraatka carabta ayaa la sheegay in dhibaata daran ay ku heyso dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka ay maamusho.


Warbixin uu soo daabacay Wargeyska Washington post ee laga leeyahay wadanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in cadaadiska iyo ciriiri gelinta ay lakulmayaan muslimiinta Imaaraatka carabta aysan la kulmin dadka kale ee gaalada ah oo xuriyad iyo nabad gelyo kunool.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada ashahaadda ladirirka dowladda imaaraatka ee qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ay dabagal ku hayaan jaaliyadaha muslimiinta iyo imaamyada masaajidda, Washigton Post waxay sheegtay in si isbuuc leh ay dowladda imaaraatka ay su'aalo uweydiiso imaamyada masaajidda ayna ka koontaroosho khudbadaha iyo duruusta ay jeedinayaan.



sidoo kale iskuullada iyo madaarista islaamiga ah ayaa lagu amray in ay san daraaseyn karin wax aysan ogoleyn dowladda warbixinta ayaa lagu yiri "dowladda imaaraatka waxay adeegsanaysaa qawaaniinta ladagaallanka argagaxisada si ay dhib ugaarsiiso dadka iyada mucaaradsan, in aad madaraso qur'aanka lagu barto furato ama aad qaban qaabiso muxaadaro diini ah ama aad uruuriso lacago tabarucaad ah ama aad masaajidda kitaabo ka qeybiso waxay ubaahantahay ruqso aad ka hesho dowladda".

Maamulayaasha dowladda Dabadhilifka Abu Dhabi intaas kuma adkeysane waxay qaadeen tallaabooyin si toos ah ubeegsanaya islaamka iyo muslimiinta oo waxay imaamyada masaajidda ku amartay in aysan dadka wacdi karin duruus diini ahna aysan jeedin karin iyagoo ku sugan meel ka baxsan masaajidda dowladda u diiwaan gashan.

Wargeyska Washington Post wuxuu warbixintiisa kusoo gaba gabeynayaa in dhammaan dad gaalada ah ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Imaaraatka carabta ay heystaan xuriyad taam ah sida Nasaarada,Hinduuska mushrikiinta ah iyo dawaa'ifta kale ee dhammaantood gaalada ah, wasiirka saamaxaadda dowladda Dabadhilifka imaaraatka carabta ayaa sheegay in gaaladu ay dhigan karaan xaflado iyagoo aan dowladda soo ogeysiin halka muslimiinta loo diidayo in xaflad dugsi quraan lagu furayo ay dhigtaan iyagoo aan dowladda fasax ka heysan.

Arrintan ayaa imaanaysa waqti baadariga gaalada faatikaanka uu booqasho ku joogo wadanka imaaraatka uuna soo dhoweyn heer sare ah ka helay maamulayaasha murtadiinta wadankaas

Related Items