Al Shabaab Oo si adag uga Hadashay Shirka Lagu Boobayo Shidaalka Soomaaliya ee Magaalada London.

Thursday February 07, 2019 - 21:19:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo si adag uga Hadashay Shirka Lagu Boobayo Shidaalka Soomaaliya ee Magaalada London.

    Shirka ka socda magaalada Lonodn ee wadanka Ingiriiska oo la doonayo in lagu boobo kheyraadka dalka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka ayay bulshada Soomaalida si heer sare ah uga hadashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Farmaajo ayaa shisheeye ugacan gelinaysa kheyraadka dalka
Shirka ka socda magaalada Lonodn ee wadanka Ingiriiska oo la doonayo in lagu boobo kheyraadka dalka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka ayay bulshada Soomaalida si heer sare ah uga hadashay.

Boqolaal qof dibad baxayaal ah ayaa isugusoo baxay magaalada London waxayna si aad ah uga soo horjeedeen qorshaha lagu doonayo in lagu boobo shidaalka Soomaaliya oo ay hormuud u tahay dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay shirka ka dhacaya dalka Ingiriiska ee lagu boobayo shidaalka dalka.

Sheekh Cali dheere oo ah Afhayeenka Al Shabaab oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shirkaasi yahay mid lagu doonayo in lagu dhaco dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.


"waxaan ognahay in la qorshaynayo shir ladoonayo in lagu xaraasho shidaalka Soomaaliyeed uu ka dhaco magaalada London waxaan leenahay wax walba oo kasoo baxa shirkaas waa xaaraan mana suurtageli doonto in hagardaamadaas laga dhaqan geliyo dhulka Soomaaliyeed, kuwa gaalada ah ee usoo hanqaltaagay qorshahaas boobka shidaalka soomaaliyeed ah uma suurtagelayo" ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

Shabaabul Mujaahidiin waxay ku hanjabtay in shisheeyaha boobka ku haya dhaqaalaha Soomaaliya ay dagaal adag lagelayso,isbuucaan gudihiisa ayay aheyd markii weerar ka dhacay Boosaaso lagu dilay maamulihii shirkadda DP World.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items