Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay Mid kamida Gobollada Wadanka Afghanistan

Thursday February 07, 2019 - 21:17:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay Mid kamida Gobollada Wadanka Afghanistan

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ee dhaca bartamaha qaaradda Asia ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Mareykanka ay bilaabeen in ay faarujisaan qeyb kamid ah dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ee dhaca bartamaha qaaradda Asia ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Mareykanka ay bilaabeen in ay faarujisaan qeyb kamid ah dalkaas.


Kumanaan katirsan ciidamada NATO gaar ahaan kuwa ka socda Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in ay isaga baxeen gabi ahaan gobolka Farah ee dhaca galbeedka wadanka Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanka Americanka ay isaga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen gobolka Farah wuxuuna gobolkaan safka hore uga jiraa meelaha ay ka dhacaan weerarada ugu ballaaran ee ka dhanka ah isbaheysiga NATO.


Dib ugurashadan ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ayaa imaanaya xilli wadahadallo ku aadda sida ciidamada Mareykanka uga baxayaan wadanka ay mas'uuliyiinta Taliban iyo saraakiisha Mareykanka ku dhaxmarayaan magaalada Dooxa ee wadanka Qadar.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items