Al Shabaab Oo Sarkaal Boolis Ku Dishay Degmada Hodon.

Sunday February 10, 2019 - 15:07:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal Boolis Ku Dishay Degmada Hodon.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar lagu dilay sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo saacaidhii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar lagu dilay sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo saacaidhii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.


Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mid kamida xaafadaha degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag  bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen Cali Canshuur oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Booliska ka howlgala degmada Hodon.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalka "Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay sarkaal katirsan Booliska kooxda ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Canshuur" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.



Dilka sarkaalkan ayaa imaanaya saacado kadib markii ay mu'asasada Alkataa'ib Filim heer sare ah kusoo bandhigtay howlgallo dilal qorshaysan ah oo ka dhacaya gudaha Muqdisho waxaana howlgalladaas lagu beegsay xildhibaanno iyo saraakiil Boolis.

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items