dibad baxyada oo galay isbuucii 13-aad waxaa
dhigaya dadka katirsan dhaq dhaqaaqa jaakadaha jaallaha kuwaas oo qaab bulsho
ugu kacdoomay madaxweynaha faransiiska ninka lagu magacaabo Makron.
Tobanaan kun dibax baxayaal ah ayaa maalintii
sabtiga isugusoo baxay magaalooyinka waaweyn ee wadanka sida Paris iyo Niis waxaana jiray isku dhacyo u dhaxeeyay ciidamada booliska iyo dadka dibad
baxyada ka qeyb qaadanaya.
dibad baxyadan ayaa yimid saacado kadib markii
golaha wasiirrada dowladda faransiiska ay meel mariyeen qaraar ciidamada
ammaanka u ogolaanaya in ay adeegsadaan ulaha iyo ubadadka si ay dibad
baxayaasha u kala eryaan.
Dibad baxayaasha faransiiska ayaa iskusoo
baxyadii shalay ugu magac daray "socodka weyn ee loogu gargaarayo
dhaawacyada', hoggaamiyaasha dhaq dhaqaaqa jaakadaha jaallaha ayaa ku eedeeyay
xukuumadda Paris in awood xad dhaaf ah ay u adeegsanayso daminta dibad baxyada
waxayna baraha bulshada ku faafiyeen qoraallo ay dadka uga dalbanayaan dibad
baxyo milyuuni ah.
Sawirro: Dibad Baxyada Faransiiska Oo galay isbuucii 13aad Xiriir ah.
Wararka ka imaanaya wadanka Faransiiska ee dhaca qaaradda Yurub ayaa sheegaya in dibad baxyo rabshado wata ay markale dib uga qarxeen magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.