Daawo Video: 30 Askari Itoobiyaan ah oo Ku dhintay Qaraxyo lagula Beegsaday Gobolka Baay.

Sunday February 10, 2019 - 21:06:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video: 30 Askari Itoobiyaan ah oo Ku dhintay Qaraxyo lagula Beegsaday Gobolka Baay.

    Filim cusub oo ay soo saartay mu'asasada Alkata'ib ayaa muujinaya halaagga ciidamada shisheeye ku heysta dalka Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan wax kabadan 11 sanadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Filim cusub oo ay soo saartay mu'asasada Alkata'ib ayaa muujinaya halaagga ciidamada shisheeye ku heysta dalka Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan wax kabadan 11 sanadood.
Video-ga oo si heer sare ah layskula dhax qaaday baraha Internetka wuxuu banaanka soo dhigayaa khasaaraha lixaadka leh ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya kasoo gaaraya qaraxyada  miinooyinka dhulka lagu aaso ee Al Shabaab ay cadowgeeda ugu aasto waddooyinka.

Al Shabaab waxay soo bandhigeysaa muuqaal aan wax tacliiq ah u baahneyn oo lagu burburinayo gaadiid gaashaaman iyo kuwa xamuulka ah oo ay leeyihiin isbaheysiga Midowga Afrika.

Muuqaalka qeyb kamid ah waxaa lagu daawan karaa gaadiid Itoobiyaan ah oo lagu kala goynayo qaraxyo, mid kamida gaadiidka oo ay la socdeen ugu yaraan 30 askari Itoobiyaan ah ayaa la arkayaa iyagoo jirkoodu go'go'ay islamarkaana hilbahooda haaddu cunayso.


Halkan toos uga degso Video-ga muujinaya gummaadka gaaraya ciidamada Itoobiya MP4

Related Items