Al Shabaab oo fashilisay weerar habeen dheelmad ah oo ciidamo American ah ku qaadi rabeen degmada Janaale ee Sh/Hoose.

Monday February 11, 2019 - 08:23:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo fashilisay weerar habeen dheelmad ah oo ciidamo American ah ku qaadi rabeen degmada Janaale ee Sh/Hoose.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si adag uga hortagay weerar habeen dheelmad ah oo ay ciidamada dowladda Mareykanka ku qaadi rabeen degmada Janaale oo katirsan degmooyinka shareecada islaamka lagu maamulo ee wila

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si adag uga hortagay weerar habeen dheelmad ah oo ay ciidamada dowladda Mareykanka ku qaadi rabeen degmada Janaale oo katirsan degmooyinka shareecada islaamka lagu maamulo ee wilaayada.


Wararka ka imaanaya Janaale ayaa sheegaya in banaanka degmada uu dagaal xooggan xalay ku dhaxmaray xoogaga Al Shabaab iyo ciidamo American ah oo diyaarado kusoo degay iskuna dayaye in ay weerar ka fuliyaan gudaha magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay si adag isaga caabiyeen ciidamada huwanta ah ee doonayay in ay dhibaato ka geystaan gudaha Janaale, daryanka rasaas xooggan iyo madaafiic lays weydaarsanayay ayaa laga maqlayay deegaannada Janaale hoos yimaad.


Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradaha Drone-ka  ee dowladda Mareykanka ay duqeeyeen guryo dad shacab ah deganyihiin, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay fashilisay weerar habeen dheelmad ah oo ciidamo American ah doonayeen in ay ku qaadaan Janaale.

isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Mareykanka weerar fashil kusoo idlaaday ugu qaadeen deegaanka Bariire oo hoos yimaad degmada Afgooye ee Sh/hoose.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items