Ninka Ugu Sarreeya Wasaaradda G/dhigga Mareykanka oo socdaal kedis ah ku tagay Afghanistan.

Monday February 11, 2019 - 19:56:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka Ugu Sarreeya Wasaaradda G/dhigga Mareykanka oo socdaal kedis ah ku tagay Afghanistan.

    Batric Shanhan oo ah sii haya xilka wasiirka difaaca dowladda kirishtanka Mareykanka ayaa booqasho dhuumasho ah ku tagay saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Kaabuul ee caasimadda wadanka Afghanistan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Batric Shanhan oo ah sii haya xilka wasiirka difaaca dowladda kirishtanka Mareykanka ayaa booqasho dhuumasho ah ku tagay saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Kaabuul ee caasimadda wadanka Afghanistan


isagoo diyaarad dusheed kula hadlayay saxafiyiin ku wehlinaya socdaalkiisa dhuumashada ah ayuu sheegay in ujeedkiisu yahay sidii xukuumadda dabadhilifka Kaabuul ay uga dhageysan lahaayeen aragtideeda ku aaddan qorshaha cusub ee Mareykanku ku wajahayo Afghanistan oo ah in uu ciidamadiisa kalasoo baxo.

wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka waxa ay hadda ka shaqeynaysa ay tahay sidii qaab amni ah uga bixi laheyd wadanka Afghanistan muhiimna ay tahay in ay dhageystaan talooyinka uga imaanaya dhanka xukuumadda Ashraf ghani oo ah madaxweynaha dabadhilifka xukuumadda kaabuul.



Socdaalka sii haya wasiirka difaaca xukuumadda washinton ayaa imaanaya xilli Donald Trump uu bishii lasoo dhaafay sheegay in todobo kun oo kamid ah ciidamadooda ku sugan Afghanistan ay labixi doonaan bilaha soo socda.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items